Daawo Puntland oo gurmad deg deg ah u baahan

Waxaa labo lixaadsadey barakaca abaarta,shaqo la,aanta dhalinyaradda iyo dhaqaalo xumo ee ka jirta madiqada Puntland ka dib markay kumanaan qoys ku xoolo beeleen Gobolladda Bari,Nugaal,Mudug,Sool iyo Deegaano kale.

Wariye Abshir Dhiirane ayaa sheegay inuu maalmihii lasoo dhaafey u kuurgalay saameynta abaartii SIMMA 2017 oo weli ka jirta dhulka, wuxuuna sheegay in lagu arkayo dhabo kasta iyo tuulooyinka ka baxsan magaalada qoysas farabadan oo isdhinac dhigtey aqal Soomaaligii dalkeenu caanka ku ahaa.

Muuqaalka hoose waa warbixin uu ugu magacdarey  TAAHA KA JIRA PUNTLAND oo dibada usoo saaraya dareenka iyo culayska ay gaarsiisan tahay xaaladdu, xilli ay aad u  hooseyso gurmadka iyo gargaarka bini,aadamnimo ee la gaarsiiyay dadkii ku waxyeeloobay abaarta oo daadsan xilligaan meel kasta oo ka mid ah ARLADDA.

In badan oo ka mid ah reer guuraaga iyo waayeelku waxay isku raaceen inaysan horey mid la mid ah u arkin abaartaan oo kale, taas oo weli ka jirta gudaha dalka gaar ahaan Gobolladda uu ka arrimiyo maamulka Puntland, waxaana ka mid ah baahiyaha ugu waaweyn oo ay dadku qabaan biyo la,aan, caafimaad xumo, dhaqaale burbur, hoy la,aan iyo gurmad la,aan.

Daawo Warbixinta.