Caqabado ka jira Garoonka diyaaradaha Garoowe oo aan weli shaqo bilaabin

Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe oo 10 January 2018 oo uu xariga ka jarey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa  weli si rasmiya u shaqo bilaabin, waxaana warar madax banaan sheegayaan caqabado hortaagan in hadda lagu shaqeeyo garoonka.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa u sheegay Puntlandnow hawsha garoonku inay u xaniban tahay dhismaha dhabaha Duyuuraduhu ku ordaan oo qabyo ah , islamarkaana loo balansan yahay uruurinta lacago qaaraan ah oo qorshuhu yahay in lagu balaariyo wadada Runway-ga .

Caqabada ugu culus oo xalka loo raadinayo waxay tahay ku darida 5 mittir ah oo labada dhinac dhabaha loo gogley diyaaraduhu inay ku ordaan oo mid kasta Injineeradu sheegeen inuu u baahan yahay in lagu daro 2.5 mittir (Labo mitir iyo badh) dhinac kasta oo dherer ah jidka diyaaradu ku socoto, taasna haddii la helo ay suuro galin doonto diyaaradaha waaweyn ee loo yaqaano Jet Airways-ka inay soo fariistaan Garoonka magaalo madaxda Puntland balse hadda aysan suuro gal ahayn sababo la xiriira ciriiri ka jira dhabaha loo dhisey garoonka.

Madaxda Wasaaradda Duulista Hawada Puntland iyo Masuuliyiinta shirkadda laga leeyahay dalka Turkiga oo gacanta ku haysay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garoowe oo dhawaan ka wada fariistey hawshaan ayay ku dalbatey lacag gaareysa $ 500,000 (Shan boqol oo kun oo dollar) Iyadoona taas bedelkeeda ay lasoo aadey wasaaraddu dalabka shirkadda Waxgaradka, Odoyaasha iyo Guddiga Bulshada ee Dowladda ku gacansiinayay dhamaystirka Airport-ka Garoowe.

Isku soo wada duuboo ma jirto war sugan oo ilaa iyo hadda laga hayo sida laga yeelayo caqabada ka jirta shaqo bilaabida Garoonka cusub ee magaalada Garoowe, wallow iminka ay ku guddo jirto shaqo kale shirkadda laga leeyahay dalka Turkiga ka dib markey heshay qandaraas wadooyin yaryar looga dhex samaynayo gudaha madaxtooyadda Puntland.

Xafiiska Wararka

Puntlandnow.com