Ayax teg eelna reeb (Faallo kooban).

Magaciisu ha ku qormo boggaga Xafiiska uu taladiisa hayo kuwa hoos yimmaadda iyo kaydadka qalabka Warbaahinta oo uu baaqi ku sii ha ahaan doonno marka laga tego ma jiro wax tariikh toggan ama xasuus cuddoon oo lagu xasuusan doono Madaxweynaha waqtiggiisu dhammaadka yahay ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo muddada xil hayntiisa ay ka harsan tahay wax ka yar saddex boqol oo maalmood.

Ballanqadkiisii intii ollolaha doorashada ku jiray iyo qaabkuu xilkan markuu qabtay ilaa waqtigan hab dhaqankiis hoggaamineed u shiiqay iyo hankii lagu qabay waxay hal xidhaale adag ku tahay siyaasiyiinta ku hawlan qabashada xilkan iyadoo dadweynaha Puntland ay weli la dayeysan yihiin tiraabihii tira beelka ah ee Gaas ugu sawiray hummaagyo meeqaam sare lahaa oo aysan jirin natiijo kasoo baxday naaqus mooye.

Dhawaan waxaan Puntlandnow billaabi doontaa hoos u dhaca  dhan kasta Puntland ku yimid intuu Dr,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas hayey xilka hayay iyo sida doorashada 2019 horraanteeda haddii Rabbi idmo looga gaashaaman karo si  uusan u dhicin il duuf la mid ah kii 2014 maamulkannina mustaqbalkiisu ugu dhicin hadaan dheer oo ay adkaan doonto qaab loo badbaadiyo.