“Waxa Dhibta Wada Ciise Maxamud “Daawo Abshir Cali Halow

Kulan ay soo qaban qaabiyeen masuuliyiinta kasoo jeeda Gobolka Nugaal ee xilalka ka haya maamulka Cabdiweli Gaas ayaa maanta ka qabsoomey guriga Gobolka Nugaal ee magaalada Garowe.

Kulankaan oo ahaa mid lagu casumay qeybo ka mid ah Nabadoonada iyo Bulshada ayaa lagu gorfeeyey xaalada cakiran ee ka taagan Garowe, Waxaana halkaas laga soo jeediyey hadalo kala duwan oo qof walba uu kaga hadlay fikradiisa.

Mid ka mid ah Odoyaasha kulanka ka hadlay oo ahaa Nabadoon dhawaan lagu caleemo saarey Duleedka Garowe magaciisana la yiraahdo Abshir Cali Halow ayaa ku sheegey hadal kasoo yeerey inay yihin Dadka dhibta iyo Qaska ka wada Garowe Ciise Maxamuud.

Daawo hadalka uu yiri Nabadoon Abshir Cali Halow.

Halka Odoyaasha kale ee kulanka ka qeyb galay ay kusoo gaabiyeen hadalkooda inay muqadas tahay Nabadgalyadu loona baahan yahay sida ugu dhow ee xal lagu gaari karo in loogu maro dejinta xasaasiyada jirta maalmihii lasoo dhaafey.

“Hadii qeylo masaajidka kasoo yeerto xagee baa loo cararayaa oo aan ula jeedo hadii dowladii iyo maamulkii ciidamadiisii , Saraakiishii iyo Masuuliyiintii dalka qeylo kasoo yeerto oo shacabka la dul yimaadaan sidee baa la yeelayaa “ ayuu yiri Nabadoon Khaliif Askar Qaleeyax oo ka mid ahaa Odoyaasha maanta ka hadlay kulanka lagu qabtey Garowe

Wasiirka Amniga Puntland ayaa ka mid ahaa xubnaha ka socdey dhinaca maamulka oo ka hadlay kulanka maanta wuxuuna ugu baaqay bulshada inay  ku garab siiyaan maamulkiisa sugida amniga.

Email:- Info@puntlandnow.com
Xafiiska Wararka
Puntlandnow.com