Shaqsiga Sanadka 2015 General Muxiyadiin Awmuuse

Shaqsiga Sanadka Waa General Muxiyadiin wuxuu ku guulaystay kana qayb qaatay dagaaladii alshabaab lagula dagaalamayay buuraha Gobolka Sanaag

tGaalkacyo oo kal xiran wuxuu ka dhigay mid dadku caadi u kala socdaan wuxuuna u furay wadooyin muhiim ah (gaalkacayo) waxa uu baal dahab ah ka galay Taariikhda magaalda Galkacayo

Waxa lagu xasuustaa soo qabashadii labdaii nin ee ugu waawaynaa Alshaab oo ku xirnaa xabsiga garowe balse nasib xumo waxa sii daayay Xukumada hada talada haysa

Shaqooyinkii iyo Guulihii uu soo hooyay Jeneral Muxuyadiin waxa ka mid ahaa dagaalkii uu la galay burcad badeedkii wareerisay Gaalkacayo isagoona ahaa shaqsigii ku guulaystay inuu soo afjaro

Jeneral Muxuyadiin waxa lagula beegsaday Gaalkacyo qaraxii ugu weynaa Abid oo ka dhaca gudaha Gaalkacyo oo soo gaarsiiyay khasaare isaga iyo ciidankii kula jirey waqtigaas howl-galka Gaalkacyo Nasiib wanaag Jenenku waa uu ka bad baaday qaraxaas laakiin nasiib daro kale waxa noqotey in bartamihii 2014 uu ooda ka qaado Cabdiweli Gaas dhamaan dadkii loo qab qabtey qaraxaas.

ZZZZ_Inan_Gumeed_MuxiyadiinJeneral Muxuyadiin sida la xasuusto wuxuu mar walba hormuud ka ahaa howl-galadii xaqiijinta amniga goob kasta iyo deegaan kasta oo ka tirsan dhulka Puntland .

Qoraal iyo Sheeko midna laguma soo koobi karo shaqadii adkeyd ee uu kasoo qabtey Puntland Jeneral Muxuyadiin wuxuuna mar walba kaalin muhiima ka ciyaari jirey sugida amniga magaalooyinka Bosaso , Garowe iyo Deegaano badan oo ka tirsan Puntland ilaa aakhirkii uu safka horre ka istaagay difaaca buuraha Galgala.

Lama fileyn in maanta lagu abaal mariyo Jeneral Muxuyadiin dikreeto kasoo baxday xafiiska Cabdiweli Gaas taas oo kaga duwan dikreetooyinkii horre go,aan lagu sheegay shaqo ka ruqseyn Jenenka  iyo ciidan tiradiisu le,eg tahay 187 askari oo bar ka ahaa howl-galadii dhibta iyo Xanuunka badan loogu marey Nabad-galyada maanta lagu hurdo .

Sow la yaab ma ahan abaal marinta noocaas ah ?? Sow la yaab ma ahan dikreetadu inaysan ahayn mid shaqo ka joojin ama ka bedelid ah laakiin ah shaqo ka ruqseyn ??  Ma wax dhici karaa Jeneralka oo kaliyah ma ahee xataa waa dhamaan ciidamadii soo halgamey ??? Tanoo kale weli ma dhacdey ?? Muxuu u noqday Cabdiweli Gaas Madaxweynihii u horeeyey oo soo saara dikreeto noocaas ah ? !!!!

Hadal iyo dhamaantiis “Maxaa dhacay ? Waxaani wax ka weyne  !! Maxaa jira ?  Baroortu Orgiga ka weyne …!!!!

W/Q Cilmi Maxamed Muuse

Bosaso Puntland Soomaaliya.

Daabacid:- Puntlandnow.com