Jeneral Siciid Dheere oo soo gaarey Garowe

Waxaa soo gaarey magaalada Garowe ee Caasimad Puntland taliyaha ciidanka daraawiishta Jeneral Siciid Maxamed Xirsi “Siciid Dheere”

Axmed-Puntlandpost.com-346Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Puntlandnow ayaa sheegaya inuu qeyb ka yahay socdaalka Jeneral Siciid Dheere sidii xal loogu heli lahaa mushkilada cakiran ee ka taagan Garowe todobaadkii ugu danbeeyey.

Jeneral Siciid Dheere oo sanadkii lasoo dhaafey saldhig ku lahaa buuraha sil silada Golis ee Galgala ayaa wararku sheegayaan inuu ka dambeeyey socdaalkiisu ka dib markii uu qeylo dhaan xoog leh uu u diray Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas”

Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu ka dambeeyey socdaalka Siciid Dheere ku tagey Garowe ka dib markii ay isaga soo baxeen inta badan ciidamadii Puntland ee saldhiga ku lahaa difaaca tuulada Galgala islamarkaana uu shirar amuurtaas ku aadan la yeelan doono Cabdiweli Gaas.

Magaalada Garowe waxa ka socda shirar xasaasiya kuwaas oo qeyb ka ah shir maanta ay ku yeesheen guriga gobolka Nugaal masuuliyiinta kasoo jeeda Gobolka Nugaal ee xilalka ka haya maamulka Cabdiweli Gaas iyo Qaar ka mid ah Odoyaasha.

Ilo wareedyo goor dhawayd la hadlay warsidaha Puntlandnow ayaa sheegaya kulan hadda uga socda mid ka mid ah hotelada ku yaala Garowe Jeneral Siciid Dheere iyo Saraakiil ay ka mid yihiin Jeneral Muxuyadiin Awmuuse iyo Cabdi Yarre oo labaduba hogaaminaya ciidamada gadoodsan ee ka carooday talaabooyinka uu Madaxweyne Gaas ku sii daayay maxaabiis ka tirsan Ururka Alshabab oo qaarkood ay ku jireen kuwii weerarka ku qaaday Taliye ku xigeenka Booliska Jeneral Muxuyadiin.

Lama saadaalin karo halka ay ku dambeynayso xaaladu xilli ay u muuqatey maalmihii lasoo dhaafey mid cakiran oo aan laga gaarin xal buuxa.

Email:- Info@puntlandnow.com
Xafiiska Wararka
Puntlandnow.com