God si qarsoodiya loo qoday oo laga helay Magaalada Toronto “Sawiro”

God qarsoodi ah oo laga qoday ayaa laga helay meel u dhaw xarun la qorsheynayay in xagaaga soo socdo lagu qabto ciyaaraha caalamiga ah ee Tenniska oo ka dhaci lahaa Magaalada Toronto ee Caasimada Dalka Canada.

Booliiska magaalada Toronto, ayaa bilaabay baaritaano xoogan ay ku ogaanayaan cida qoday godkan qarsoodiga ah, waxa ayna Booliiska Shacabka ku wargaliyeen in ay lasoo socodsiiyaan cidii qoday godkaan hadii ay xog ka hayaan.

Godkan laga qoday meel ku dhaw xarunta loogu tala galay in lagu ciyaaro Tenniska ee Rexall Center, ayaa la sheegay in loo qoday hab casri ah oo nuuciisa aan horey loo arag, waxaana aad ula yaabay dadkii arkay iyo CiidamadaBooliiska.

Warbaahinta Dalka Canada qaarkood ayaa baahiyay in godkan la helay ee loo qoday sida qarsoodiga ah la damacsanaa in lagu fuliyo weeraro argaxiso xiliga la qorsheeyay in xarunta Rexall Cente ay kafurmaan Ciyaaraha Tenniska.

http://news.nationalpost.com/2015/02/25/mystery-tunnel-five-things-we-can-surmise-about-the-deep-hole-discovered-north-of-toronto/

tor_4 god_2 god_1 tor_2 gabar tor_1 tor_3Email:- Info@puntlandnow.com

Xafiiska Wararka
Puntlandnow.com