Aabe casumay nin kufsaday gabadhiisa kadibna dilay “Xagee ka dhacday ?”

Sida uu qoray wargeyska Indian Express ee ka soo baxa dalka India, Aabaha ayaa aad u carooday kaddib markii gabadhiisa la kufsaday, wuxuuna go’aansaday in uu ninka gabadhiisa kufsaday uu dilo, wuxuuna dembilihii uu ku casuummay casho, wuxuuna casuumaadda ugu sharraxay in ay arrimo ka wada hadlayaan.

Ninkii gabadha kufsaday 45 sano jir ahaa, wuu ka soo qeybgalay cashadii, waxayna dabcan ahayd casho sax ah, laakin Aabaha oo qorshe ka damacsanaa cashada ayaa isku soo tuuray ninkii, wuxuuna kaddib ku xiray kursi, kaddibna wuxuu isugu daray jir-dil iyo in uu xubintiisa taranka kaga gooyayay biinso uu kululayd ugu dambeyntiina ceego ayuu ku dilay.

Aabaha ayaa markii uu intaas sammeeyay wuxuu la xiriiray booliska oo uu ku wargeliyay dembiga uu galay iyo sidii ay u dhaceen isagoo aan waxba ka qarin.

Falka kufsiga ah ayaa dhacay labo bilood ka hor, waxayna markaas gabadha 14 sano jir ah ay kali ku ahayd gurigeeda. Ninka ayaa guriga kula noolaa, wuxuuna sidoo kale saaxib la ahaa reerka gabadha dhalay. Intuu ceejiyay ayuu kufsaday, wuxuuna ugu hanjabay in uu dili doono haddii ay sheegto, laakin gabadha isla maalintiiba waxay u sheegtay aabaheed, kaddibna aabaha wuxuu qaatay go’aankaas, isagoo ka baqayay in haddii uu arrinta ku wargeliyo booliska ay deriska iyo qaraabadiisa ay eedeeyaan gabadhiisa.

Xigasho: Indian Express.

Email:- Info@puntlandnow.com

Xafiiska Wararka/Norway
Puntlandnow.com