Finland oo dhalinyaro Somali ah loogu qabtay koob “Sawiro”

Ciyaar Loogu magac daray koobka cadaalada kubada cagta oo loogu tala galay dhalinyarada iyo isdhexgalkooda sidii loo wanaajin lahaa isla mar ahaantaana looga hortagi lahaa inay soo wajahdo xumaan dhalinyarada ayaa lagu qabtay dalka Filand .

Koobkan oo uu soo qaban-qaabiyay Cayaaryahan Nuuradiin Axmed Maxamed oo loo yaqaan Maaradoone ayaa waxa sii kale gacan ka gaystey Dallada Midowga Jaaliyadaha Puntland ee Wadanka Filand .

Waxaana kasoo qayb galay furitaankii koobka Gudoomiyaha Midowga dalladda Puntland ee dalka Filand Mudane Cabdiqani Axmed Ducaale Gudoomiye xigeenka Ururka Jaaliyada Soomaaliyeed Finland Yaasiin Cabdi raage iyo Afhayeenka Ururka Yaasiin Cali Gaas.

Koobka cadaalada oo lagu soo gabo gabeeyey garoonka Xaafada Vaanta gaar ahaan Iskuulka Lansimaki ayaa waxa isugu soo baxay ciyaartii kama danbeysta ahayd Kooxda Fc Banaadir Iyo Fc Vuosaari iyadoona lagu kala badiyay 4-2 oo ay ku adkaaday kooxdii Fc -Vuosaari .

Waxaana ay ku mutaysatay qabashada koobkan Dallada Midowga Jaaliyadaha Puntland bilow wanaagsan oo ay u samayso midnimada iyo isku duubnimada Somalida ku nool dalkaas madaama ay waqti badan ku bixisay qabashada koobka dallada oo kaashanaysa Khabiir Maaradoona.

12347

YAASIIN ALI

Email:- Puntlandnow1@gmail.com
Xafiiska Wararka
Puntlandnow.com