ROMA oo u digtay Manchester United

Kooxda Roma ee reer talyaani ayaa digniin ah in uusan iib ka ahayn laacibkooda khadka dhexe Kevin Strootman u dirtay naadiga Man United oo dhawaanahan si wayn loola xiriirinayay laacibkan u dhashay dalka holland.

Chiefka Naadiga Roma  – Mauro Baldissoni ayaa sheegay in ciyaar-yahanka uusan suuqa ku jirin bisha january ee soo socota sidaas darteedna ay iskaga jeedsato kooxda reer ingiriis iyo kooxaha kale ee xiisaynayay laacibkanRoma warn Man Utd: Strootman not for sale
“Ma sugi karno inaan aragno strootman oo garoonka kusoo laabtay, maxaa yeelay waan u xiisnay dhab ahaantii , xiligana waxaan rajaynaynaa inuu soo noqdo mar dhow” sidaasi waxaa sky sport u sheegay agaasimaha guud ee kooxda.

Wuxuu kaloo agaasimahu intaasi ku daray in ay ku faraxsan yihiin inuu kooxdoda ka mid yahay laacibkani sidaasi darteedna uusan iib ahayn.
Laacibkan ayaa kooxda Roma kaga maqan dhaawac soo gaaray xili ciyaareedkii hore kaas oo seejiyay koobkii aduunka ee sanadkan  ka dhacay dalka Brazil.
Mohamed Odowaa
Xafiiska Wararka Ciyaaraha
Puntlandnow.com