Mathieu Debuchy oo garoomada ka maqnaanaya 3 bilood

Macalinka kooxda arsenal arse wenger ayaa xaqiijiyay in daafaca reer faransa  Mathieu Debuchy uu garoomada ka maqnaan doono mudo 3 bilood ahDebuchy  ayaa qaliin looga sameeyay canqawga kadib dhaawacii kasoo gaaray ciyaartii arsenal ay bareejada 2-2 ah la gashay kooxda man city.

“Qaliin ayaa lagu sameeyay , wuxuuna maqnaan doonaa qiyaastii saddex bilood ” ayuu yiri macalin wenger.
Arsenal ayaa dubuchy kagala soo wareegtay 12 m oo pound kooxda newcastle bishii july  kadib markii bacary sagna uu ku biiray kooxda man city .

Mathieu Debuchy Arsenal

Mohamed Odowaa
Xafiiska Wararka Ciyaaraha
Puntlandnow.com