Juventus oo malaayiin ku doonaysa da’yar u safta Man United

Kooxda reer talyaani ee juventus ayaa ku dalbanaysa lacag gaaraysa 32.5 milyan oo pound laacibka 19 jirka ah ee u ciyaara manchester united Adnan Januzaj marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda yurub.

Juventus ayaa ka gudbisay dalab rasmi ah laacibkan reer belgium ee ku sugan garoonka old trafford waxayna sugayaan in laga aqbalo dalabkooda si ay gurigooda u geeyaan bisha january ee soo socota.Adnan Januzaj Manchester United

Adnan Januzaj ayaa soo jiitay indhaha kooxo waaweyn xagaagii lasoo dhaafay.sida kooxaha PSG iyo Real madrid..

Ciyaaryahankaan da’yarka ah ayaa kamid noqday kooxda koowaad ee macalinkii hore ee Manchester united David Moyes xili ciyaareedkii hore
balse waxaan jidwalkiisa ku darsan macalinka dhowaantan imaaday kooxda louiz van gaal wuxuuna u muuqda mid aan sal dhigan xili ciyaareedkan.

Mohamed Odowaa

Xafiiska Wararka Ciyaaraha

Puntlandnow.com