Anceloti oo fursad siinaya Hernandez

Macalinka kooxda Real madrid carlo ancelotti ayaa ka dhawaajiyay in laga yaabo in uu kusoo bilaabo laacibka reer manchester ee amaah ahaanta ula jooga kooxdisa javier hernandez kulanka usbuucan dhexdiisa ay ka hortagi doonaan kooxda elche

Ancelotti ayaa carabka ku dhuftay in kulanka habeen dame laga yaabo in uu jaanis siiyo laacibka reer  mexico maadaama uu qaab ciyaareed fican soo bandhigay ciyaartii hore, lagana yaabo in markaan la fariisiyo weerar yahankooda Karim Benzima.
Hernandez ayaa 2 gool dhaliyay ciyaartii ay ku dubteen 8-2 kooxda Deportivo.

Karim Benzima ayaa dhibaato goolal yari ah ay haysataa xili ciyaareedkan isagoo 637 daqiiqo oo uu ciyaarayay xili ciyaareedkan dhaliyay 2 gool oo qura, halka Hernandez uu dhaliyay 2 gool 50 daqiiqo kaliya oo uu u ciyaaray kooxda

Macalinkan u dhashay reer talyaani ayaa cadeeyay in xili ciyaareedkan weerarkoodu fiican yahay ayna dhaaman xili ciyaareedkii hore balse ay haysato dhibaato xaga difaaca ah

Ancelotti hints Benzema will be dropped for Hernandez
Kooxda real madrid ayaa ku jirta ilaa hada kaalinta 7 iyadoo leh 6 dhibcood
Mohamed Odowaa
Xafiiska Wararka Ciyaaraha
Puntlandnow.com